Al-Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada Qaraxii ka dhacay dhismaha laanta Canshuuraha ee ku dhow dekeda Weyn ee Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya. Waxa ay sheegteen Al-Shabaab in weerarkaasi ay ku dileen 30 Askari oo ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya. Alshabaab ayaa waxaa ay sheegeen in aytahay sabata ay uweerareen dhismaha laanta Canshuuraha in halkaasi ay ku jireen ciidamo ka tirsan kuwa booliska soomaaliyeed oo loogu tala galay in ay ilaaliyaan amaanka magaalada mogdisho inta lagu gudajiro doorashooyinka la filayo in ay ka dhacaan magaalada. Saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa dhankooda ayaa sheegaya in Qaraxaasi ay ku dhinteen dad ku dhow 12 qof oo u badnaa dad shacab ah. Sidoo kale sraakiisha ciidanka dowlada dhexe ee soomaaliya waxa ay sheegeen in dad badan oo masaakiin ah ay ku dhaawcmeen qaraxii saaka ka dhacey mogdisho.